WAR DEG DEG AH: DASTUURKA ITOOBIYA OO KU JIRA QODOB HALIS KU AH MADAX BANAANIDA SOOMAALIYA

1
143

Sida ku qoran dastuurka federaalka ah ee Itoobiya, qodobkiisa 47-aad, dowlad goboleedyada ay ka kooban tahay federaalka ah Itoobiya waxaa ku jira “State of Somalia”, hade ma aha “State of Somali” ama “Somali Regional State”, arrintan oo aan lagu baraarugsaneyn waxaa ay meel ka dhac ku tahay qarannimada Soomaaliya
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la hadlay Goobjoog News waxaa ay sheegeen in si shakhsiyaad ah ay marar badan kala hadleen Adis Ababa in dastuurka Itoobiya wax laga badalo, gaar ahaan eragyga “Somalia”, arrintaas oo aan dheg jalaq loo siin.

Dowladda federaalka ah Soomaaliya weli arrinkan si rasmi ah ugalama hadlin Itoobiya, mana muujin caro, taasi oo dib u dhigi karta in wax laga badalo qodobka 47-aad ee dastuurka oo Itoobiya ee dhigaya in “State of Somalia” ay qeyb ka tahay dalkeeda.
Damaca Itoobiya ay ka leedahay Soomaaliya waxaa uu jiraa in ka badan 500 oo sano, laakin waxaa muuqa iney qaab dastuuri ah u soo siqeyso.

1 COMMENT

  1. Waxba dhib malahan dowlada somalia iyana dastuurkeeda ha ku darto state of eithopia hadii eithopia ay rajo uga jirto inay qaadato dhulka somalia inakana waxaan ku hamiyo karnaa dhulweynaha eithopia inan ka mid dhigno gobol ka tirsan somalia mahadsanid

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here