War Deg Deg ah: Dagaal Culus oo hada kasocoda Degmada Jilib.

0
71

wararka Naga soo gaaraya Degmada Jilib ayaa sheegaya in Goordhoweyd Ka bilaabatey is rasaaseeyn xoogan oo udhaxeysa Ciidamada iyo Meletariga oo labaduba kawada tirsan Alshabab.

Dagaalka ayaa lasheegey in uu la bilowdey Rag ajanabi ah oo katirsanaa kuwaas ciidamada malateriga Alshabaab ku eedeyeen Jaajuusnimo waxaana arintaasi ka biyo diidey ciidamada xisbada.

ismaandhaafka labada ciidan ayaa sababey in uu qaraxo dagaalka waxaa ilo xog ogaal ah ay sheegayaan in dagaalku kusiifidaayo qeybaha magaalada Jilib ay ka koobantahay.

dadka deegaanka ayaa muujinaya walaac ku aadan khasaaraha dagaalka.

dagaalka oo bilowdey cabaare labadii duhurnimo ee maanta ayaa weli socoda lamana xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah ee labada dhinac.

wixii kusoo kordha dib ayaan idin kula socodsiin doonaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here