WAR DEG DEG AH: BEESHA CAALAMKA OO KUDHAGAN MADAXWEYNE FARMAAJO IYO SHIR HADA KASOCDA XALANE

0
53

Ilo wareedyo ku dhow dhow Xaruunta Xalane ee magaalada mogadisho ayaa laga soo waramayaa, in kulamo xasaasi ah oo gooni gooni ah ay ku yeelanayaan xaalada adag ee dalka uu maraayo kadib markii uu fashilmey shirkii Garowe.

Xogta ayaa intaa ku dareysa in maalmihii lasoo dhaafey safiirada mareykanka iyo Ingiriiska isku haayeen xaalada sii xumaaneysa sidii loo wajihi lahaa, wakiilka mareykanka oo lasheegey, in uu aad ula safanaa dowlada federalka, ayaa hada laga soo waramayaa in uu bedeley mowqifkiisa waxaana arintaas aad ugu shaqeeyey qaar kamid ah, dowladaha reer galbeedka oo ugu horeeyo Ingiirska.

Shirka hada kasocoda Xalane ayaa waxaa lasheegayaa in ay kasoo baxeen qodobo hor dhac ah oo ka koobanafar  qodab

  • in lala shaqeeyo dowlada federalka iyo kuwa maamul Goboleyd yada   
  • in aan loo dulqaadan Karin in dib udhac ku yimaado dowladnimada oo beesha caalmak qiimo weyn uga kacaey
  • in nidaamlka dimuqoraadiyada keliya ay taageriyaan oo aan la aqbali doonin keli telinimo.
  • In guddi ka kooban 5 xubnood loosaaro xaalada cakiran ee dalku ku jirao xubnahaas oo ka kala imaanaya wadamada deeqaha ugu badan siiya soomaaliya.

waxaana warar hoose sheegayaan in maalinta beri ah ergi kasocoda beesha caalamka lakulmi doonaan madaxweyne Farmaajo si ay wax ugu weydiiyaan xaalda dalka iyo qorshyaashiisa doorashada soosocota waxaana lasheegey in hadalkiisa ay go’aan  kasoo saari doonaan kulanka kan caawa xiga oo dhici doona habeenka qamiista soo galeysa oo ku began 16 may 2019.

Beesha caalamka ayaa umuuqata mid ka walacsan xaalda dalka uu maraayo ayagoona kadigey in dagaalo sokeye ka dhacaan markale soomaliya.

Wixii kusoo kordha waanidin soo gudbin doonaa

Xafiiska warqabadkamogadisho

Tebiyenews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here