War deg deg ah: Amiiro ku Geeriyoodey duqeyn kadhcdey Jubooyinka.

0
52

Wararka ka imaanaya gobolada Jubooyinka ayaa sheegaya in halkaasi ay ka dhaceen duqeymo diyaradeed taas oo lagu bartilmaameedsanayey saraakiil katirsana Dagaalamayaasha Alshabaab.

Duqeymahan oo ka kala dhacey deegaano kala duwan ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay ka dhasheen qasaaro kala duwan sida ay sheegayaan saraakiil katirsan dowlada soomaaliya;

Duqeynta hore ayaa kadhacdey deegaanka Xaramka
Waxana lagu Dilay laba sargaal oo gaari wada Saarnayd mid waxa lagu sheegay Ahmad oo gobolada dhexe ayu u qabilsana al shabaab halka ninka kale ahaa Amiirka isku xirka Ajaaniibta iyo alshabaab.

Isla Deegaanka Xaramka xaruntii ugu wayned xisbada ayaa duqeyn lagu Burburiyey waxa ku dhintay inta badan dagaalamaayshii halkaasi ku sugnaa oo kujiro waaligii Xaramka macalin Arbow.

jamaame

Koloyo ciidan oo uu hor kacaayo Amiirkii Ciidamada Gobolada juboyinka oo maraya meel udhow degmada jamaame ayaa lagu soo waramayaa in halkaasi lagu duqeeyey, duqeyntaas oo lagu bur buriyey kudhawaad 9 gaari oo ay isticmaalayeen dagaalamayaasha alshabaab ayadoo lasheegaayo in teliyihii ciidankaasi ku dhintey halkaas.

Dhanka salagle
waxa la duqeeyey xaruntii ugu wayned cidamada ka howlgala shabeelooyinka ee qaabilsan weerarada tooska ah xilli ay abaabul xoogan ka wadeen halkaasi.

dhanka jilib waxaa lasheegaya in gantaalo lagu dhuftey xaruun lagu keydiyo saanadaha ciidanka waxaana weli lamaqlayaa qaraxyada baaruudii iyo bambooyinkii halkaasi ku keydsanaa.

Wareeradan ayaa larumesan yahay in ay fuliyeen diyaaradaha reer galbeedka oo kaashanaya sirdoonka soomaaliya.

Wixii kusoo kordha dib ayaan idinka soo gudbin doonaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here