Warar ku dhow dhow madaxtooyada soomaaliya ayaa sheegaya in dowlada Soomaaliya ay qorsheyneyso in Muqtaar Roobow Abuu mansuur U magacowdo Teliyaha Nabad Sugidda Iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya.
Arintaan ayaa timid sida lasheegey wadahadalo qaatey dhoor bilood oo u dhaxeeyey DF iyo masuulkan hada u xiran dowlada federalka soomaaliya.
Dowladaha reer galbeedka qaarkood oo uu hogaaminaayo Dalka Ingiriiska ayaa lasheegey in ay gar wadeen kahaayeen isfahanka Roobow iyo DF ayagoona cadaadis kusaarey in heshiis dhab ah gaaraan wixii horana laiska iloobo.
Arintaan ayaa lasheegey in ay soo jiitameysey mudo dhoor bilood ah waxaana xaley arintaan lagu soo waramayaa in uu ku soo biirey wakiilka Gaarka ah ee qaramada midoo ey James Swan oo qarax ka bad baadey maalintii arbacada.
Ururka alshabaab ayaa lasheegey in ay dhiiragelin ka qaateen xarigii roobow waxeyna laba jibaareen beegsiga goobaha muhiimka ah iyo masuuloyiinta dowlada soomaaliya iyo qaramada midoobey.
Wixii arintaannkusoo kordha filo goor dhow