War Culus Oo Kasoo Kordhay Doorashada Galmudug & Fadeexad heysata Villa Soomaalyia

0
22

badweyn

Nabadoon Iimaan Jimcaale Faarax oo ka mid ah Duqeyda Dhaqanka Deegaanada Galmudug ayaa si kulul uga hadlay Arin uu sheegay inay Dawlada Federaalka Soomaaliya kusameysay.

Waxa uu sheegay inuu ka mid ahaa Odayaashii saxiixayaasha Galmudug balse hadda laga tiray liiskaasi oday dhaqan uu ku jiray.

Nabadoon Iimaan Jimcaale waxa uu hoosta ka xariiqay in Liiska Qofka shanaad uu ahaa Magaciisana laga heli karo ayna xitaa Beesha caalamka Liiska loo diray uu ku qoran yahay.

Waxa uu ku Eedeeyey Villa soomaaliya inay wax kala badeshay oo nin Qurba joog ah Booskiisa la geliyey sida uu warka udhigay.

Galmudug ayaa sidaas oo kale waxaa Beelaha qaar ay kasoo horjeedaan nidaamka Ay Wasaarada Arimaha Gudaha wax umaareneyso,hadana khaladaad badan baa weli muuqda.

Wasiir Sabriye ayaa saacado ka hor waxa uu si maldahan ugu goodiyey cid walbo oo ka hor timaado geedi socodka ay wadaan inay tallaabada ugu haboon ka qaadi doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here