Wakiilo ka socda Farmaajo oo wadahadalo la furay Kenya? Maxaa laga hadlayaa?

0
9

Dhowrkii asbuuc ee la soo dhaafay waxaa magalaada Nairobi ee dalka Kenya ka socday wadahadalo goos-goos ah oo u dhaxeeya ganacsato iyo siyaasiyiin ka soo jeeda beesha Mareexaan ee Farmaajo ka dhashay iyo madaxda dalka Kenya.

Sida MOL ay u xaqiijieen codsiga kulamadaas ayaa waxaa uu ka yimid Farmaajo iyo beeshiisa oo culays xoog leh uu ka soo fuulay  heshiiskii dhawaan ka dhacay magalaada Nairobi ee lagu heshiisiiyay siyaasiyiinta reere Jubbaland.

Kulamadaan oo ah kuwa qarsoodi ah, ayaa waxa wararka aanu ka helayno qaar kamida dadka ka qayb galay ay sheegayaan in Farmaajo uu sheegay in uu diyaar u yahay in uu xal la gaaro dowlada Kenya  dhanka airmaha dacwada Badda oo la filayo in dhawaan ka  furmi doonta magalaaada Huge.

“.. Waxaan kuu xaqiijinayaa in dacawada Bada  ee labad dal dib loo dhigayo mar kale, Farmaajana uu arintaas kala shaqayn doono dalka Kenya”, ayuu yiri siyaasi arintaan xog ogoaal u ah.

waxaa muuqata in ay jiraan fartiimo iska soo horjeeda ee ka imaanaya dowlada fedraalka, dhan waxa ay sheegayaan in ay gudbiyeen qoraal ay ku diidayaan dib u dhigista dacwada si shacabka loo tuso in dowlada ay sii wadi doonto dacwada halka Kulamo gaar ahna lala furayo dalka kenya, kaas oo ujeedadu tahay in kenya Lagula heshiiyo dib u dhigista dacwada. Taas oo Farmaajo uu doonayo in uu ku doodo in go’aanka dib u dhigista uu ka yimid maxkamada caalamiga ah.

Dhanka kale dowlada Federaalka ayaa isbadal badan ku sameysay dadkii horseedka ka ahaa dacwadda, inkasta oo ay qaarkood joogtaan, halka kuwo kalena boosaaskii ay ku matalayeen Dowladda laga badalay. Xubnaha isbadalka ku yimid waxaa kamid ah: Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyihii Qaranka oo hormuud ka ahaa dacwadda, waxaana laga qaaday xilka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here