WAFDI UU HORKACAAYO MADAXA BARIGA AFRICA UNOCHA OO SOO GAAREY BAYDHABO

0
16

BAYDHABO(TEBIYENEWS)-Wafdi uu hogaaminaayo Madax Hay’adda UNOCHA Uqaabilsan Soomaaliya oo Baydhabo soo gaarey .


Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/Casiis Xasan Maxamed lafta-gareen ayaa Maanta Kullan La qaatey Wafdi uu hogaaminaayo Madax Hay’adda UNOCHA Uqaabilsan Soomaaliya ,

waxana yeesheen Kullan Sacado badan qaatey oo warbixin Guud lagaga siineyay hay’adda UNOCHA Xaladda Deeganada Koonfur Galbeed, Arrimaha Abaaraha Beeraha, iyo Samafalka, Sidii Gacan looga siin Laha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, wax kaqabashada dhibaatooyinka Soo Foodsaara shacabka Reer Koonfur Galbeed Xiliyada Abaarta.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/casiis Xasna Maxamed lafta-gareen iyo Madax Hay’adda UNOCHA oo Warbaahinta Si wada jir ah ula Hadley ayaa Sheegey in ay ka wada hadleen Dhibaatooyinka Ka jira Kgs Sidii Wax looga qaban Lahaa,

Madaxweyne C/Casiis Xasan Maxamed Ayaa sheegey in kawada hadleen Sidii Maa’cunadii loogu talagaley Koonfur Galbeed Deegandeeda Loo gaarsiin Lahaa gacana Loo siinlahaa’ Qoysaska barakacayaasha , Dadka beeraleyada ah Fursad weyn ayey Eheed ayuu Yiri”

Waxana Kullanka ka soo qeyb galey Wasiirka Qorsheenta ,Wasiirka gargaarka Maareynta Iyo Masiibooyinka,iyo Lataliha Madaxweynaha kgs Arrimaha Samafalka Maxamed Xasan Fiqi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here