Wafdigaan oo is kugu jira Xildhibaanno Heer Federal ah, Siyaasiyiin iyo Qurbajoog ayaa maanta kasoo dagay garoonka diyaaradaha Kismaayo ee Sayid Maxamed Cabdulle Xassan.
Mas’uuliyiintaan maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Xassan Cabdi Ismaaciil oo ka mid ah Xildhibanada Golaha Shacabka Soomaaliyeed, Siyaasi Cabdiqaadir Sheekh Maxamed, Gudoomiyaha Jaaliyadda Jubbaland ee dalka Sweden Naasir Rashiid Isaaq iyo Saynab Cali Xassan oo ka mid ah haweenka Soomaaliyeed.
Wafdigan ayaa magaalada Kismaayo u yimid sidii ay goob joog uga noqon lahaayeen doorashooyinka ka dhacaya Jubbaland iyo sidii ay ugu kuurgeli lahaayeen howlaha horumarineed ee ka socda Jubbaland.