Waddooyinka Muqdisho Oo Xiran Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Muqdisho

0
43

Waxaa saaka xiran qaar ka mid ah waddooyinka Magaalada Muqdisho, iyadoo la filayay in Saaka Caasimadda uu ka dhaco bannaanbixii ay horay ugu dhawaaqeen Midowga musharixiinta, kaasi oo loo ballansanaa maanta oo jimco ah.

Isgooysyada ugu waa weyn Caasimadda ayaa lagu arkayaa Ciidamo farabadan oo jooga, iyadoo ay xusid mudan tahay in guud ahaanba la xiray waddooyinka soo gala Taallada Daljirka daahsoon oo ah halka la filyay in saaka uu ka bilowdo bannaanbaxu.

Ciidamo farabdan ayaa saaka taagan wadda kasto iyo guud ahaanba Taallada, waxaana Ciidanku ay dadweynaah u diidayaan in ay isticmaaalaan waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Taallada, waxaana lasoo dhoobay Ciidamo kala duwan.

Saaka oo la filyay in Taallada  daljirka daahsoon uu ka billowdo mudaharaadkii ay midowga musharixiintu ku dhawaaqen maalmo ka hor ayaa u muuqata in xaaladdu ay isbeddashay, maaddama goobtii lagu ballamay ay hadda Ciidanku la wareegeen.

Dhanka kale xaaladda muqdisho ayaa saaaka u muuqata mid daggan, kadib dagaalkii xalay ka dhacay Magaalada ee u dhexeeyay Ciidanka Musharixiinta iyo Ciidamada Dowladda.

Geesta kale Ciidamo uu hoggaminayo Gen. Indha-cadde ayaa xalayto  la wareegay aagga Taallada Daljirka Daahsoon oo la filayo in maalinimada berri ah uu ka dhaco bannaanbax ballaaran oo ay hoggaaminayaan Midowga Musharixiinta.

Gen. Indhacadde ayaa sheegay in u jeedkiisu uu yahay sugidda ammaanka dadka bannaanbaxaya, waxaana intaa uu ku daray in aysan jirin cid si gaar ah ugu wakiilatay in uu la weego ammaanka Daljirka.

Waxaa uu sheegay in dalku yahay Dowlad la’aan, Madaxweyne Framaajo na uu xilku ka dhacay haddana uu kursiga Madaxweynanimo uu qalad ugu fadhiyo, isagoo intaa ku daray in Madaxweynuhu uu sifo aan sharci ahayn uu ku jooga Madaxtooyada dalka.

Waxaaa sidoo kale uu sheegay in ay Ciidankiisu wadan baaritaanno ay ka sameynayaan aagga Daljirka oo uu sheegay in Ciidamadiisu ay si gaar ah ula wareegeen ammaankkeda, iyadoo la filayo in Taallada Daljirka Daahsoon uu ka dhaco  bannaanbax ay hoggaaminayaan Musharixiinta Mucaaradka ah.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mar qudha is qabsaday rasaas xooggan oo dhammaan degmooyinka Gobolkani Bnaadir si weyn looga maqlay, waxaana billawday dagaal  toos ah oo u dhexeeya Ciidanka Dowladda iyo Ciidamo Midowga musharixiinta.

Dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka billawday Taalada Daljirka Daahsoon, waxaana si aan kala jogsi lahayn lo maqlayay jugta rasasta kala duwan ee ay isku adeegsanyeen labada dhinac.

Ciidanka Dowladda ayaa la sheegay in ay weerar ku qadeen Ciidamada ilaalada u ahaa Madaxweynayahii horee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo Shariif Sheikh Axmed, waxaana ka hadlay dagaalka qaar kamid ah Musharixiinta Madaxweynaha, kuwaasi oo sheegay in Dowladdu ay kusoo qaadday weerar toos ah.

Aagga daljirka daahsoon oo loogu madalsan yahay Maalinmada berry ah bannaanbax weyn ayuu ka dhacay dagaalku, waxaana la maqlayay jugta rasaasta ay isku adeegsanayaan labada dhinac.

Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheikha Maxamuud oo ka hadlay weerarka lagu qaaday ayaa sheegay in  nasiib darro ay tahay in madaxweynaha xilkiisu dhamaaday daadinayo dhiigga muwaadiin isu diyaarinayo bannaanbax nabadeed oo ay aragtidooda  ku cabbiraya, “Ciidanka dowladda ayaa caawa weerar ku soo qaaday hotel Maida oo aan ku sugannahay aniga & madaxweynihii hore Sharif Sheikh Ahmed. Waa nasiib darro in madaxweynaha xilkiisu dhamaaday daadinayo dhiigga muwaadiin isu diyaarinayo bannaanbax nabadeed oo ay aragtidooda  ku cabbirayaan”ayuu yiri Xasan Sheikh Maxamuud.

Sidoo kale waxaa ka hadlay dagaalka Mushariin kale oo ay ka mid yihiin Shariif Sheikh Axmed iyo Musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur, kuwasi oo sheegay in dulmi iyo gardaro cad oo uu kusoo qaaday taliska Madaxweyne Farmaajo.

“Weerarka caawa waxaa amray Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey ee Maxamed Farmaajo isagoo doonaya in uu na caburiyo. xoogna uu ku muquuniyo shacbiga Soomaaliyeed ee doonaayo in aragtidooda udhiibtaan si nabad ah.” Ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, balse waxaa ilaa hadda la maqlayaa rasaas teel-teel ah oo ay isku adeegsanayaan labada dhinaca.

Musharixiinta Madaxweynaha ayaa ka hadlay dagaalkii iyo sidoo kale mowqifkooda ku aaddan bannaanbaxii ay horay u qorsheeyeen ee loo ballansanaa in uu dhaco Maalinimada berry ah.

Musharixiinta oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Dowladdu ay kusoo qaadday weerar gardarro ah oo ah daandaansi cad, kaasi oo lagu cabburinayo Madax-bannaanida, waxaana ay tilmaameen in dagaalka Caawa lagusoo qaaday uu ahaa mid nasiib darro ah.

Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed oo warbaahinta shir jaraa’id u qabtay ayaa sheegay in dowladdu ay kusoo weerartay beebbayaal, waxaana intaas uu ku daray in ay doonayaan in dagaalka intaasui lagu joojiyo oo uusan dagaal kale dhicin, isagoo tilmaamay in xiligaan aan loo baahnayn dagaal iyo fowdo uu dalku galo.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay bannaanbixii horey loogu dhawaqay kaasi oo mushariintu sheegeen in uu dhacayo maalinimada berri ah ee jimcada ah, waxaa uu sheegay in dagaalka lagu soo qaaday uusan ka baajin doonin Mowqifkoodii bannaanbaxa, isagoo shacabka Muqdisho ugu baaqay in isku soo baxaan ayna si weyn kaga dhiidhiyaan falka ay ku kacday Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed cabdullaahi Maxmed Farmaajo.

Dowladda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay dagaal ka dhacay Magaalada Muqdisho oo u dhexeeyay Ciidanka Dowladda iyo Ciidamada Mushariinta Madaxweynaha, waxaana muqdisho mar qura is qabsaday dhawaqa rasaas ay isku adeegsanayeen labada dhinac.

Wasiirka amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Xundubeey Jimcaale oo soo saaray Qoraal ayaa sheegay in weerarka ay soo qaadeen Ciidanka Musharixiinta.

Dowladda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay dagaal ka dhacay Magaalada Muqdisho oo u dhexeeyay Ciidanka Dowladda iyo Ciidamada Mushariinta Madaxweynaha, waxaana muqdisho mar qura is qabsaday dhawaqa rasaas ay isku adeegsanayeen labada dhinac.

Wasiirka aminiga Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Xundubeey Jimcaale oo soo saaray Qoraal ayaa sheegay in weerarka ay soo qaadeen Ciidanka Musharixiinta.

Dowladda waxaa ay sheegtay saacadda markay ahayd 1dii habeenimo (1am) ay Ciidanka Musharixiinta soo weerareen baraha Ciidamada Qalabka Sida ay ku lahaayeen qaybo kamid ah Caasimadda Muqdisho.

Waxaa ay intaa ku dareen in Sarkaal u hadlay Ciidanka Musharixiinta uu fiidkii hore warbaahinta u sheegay in ay weerar ku yihiin xarumaha Dowladda isla markaana ay qabsadeen qaybo kamid ah Muqdisho, balse ay ka hortageen waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wasiirka amniga waxaa uu intaa ku daray in Ciidamada Dowladdu ay iska difaaceen weerarkaas lagu soo qaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here