Waare oo Saraakiil ka tirsan AMISOM kala hadlay la-dagaalanka Shabaab

0
5

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Magaalada Dhuusa Mareeb ee Caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa uu halkaasi kula kulmay Saraakiisha Ciidamada AMISOM Ee Sectore 4 fadhigoodu Yahay Magaalada Beledweyne.

Waare ayaa waxaa uu Saraakiisha Ciidamada AMISOM kala hadlay Xoojinta iskaashiga Amniga ee Maamulada Hirshabelle iyo Galmudug oo ah labada maamul oo deris ah,isla markaana dagaal xoogan ay kula jiraan Al-Shabaab.

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Saraakiisha Ciidamada uga mahad celiyay kaalinta ay ka qaataan sugida Amniga degaannada Hir-Shabeelle,isaga oo ugu baaqay inay dar dar geliyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here