Waa Kuma Murashax Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Ee Dawladu Wadato?

0
16

Murashax Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey) ayaa mar kale ku dhawaaqay inuu xilkaas utaagan yahay.

Carabeey ayaa deegaan ahaan kasoo jeeda Degmada Caabud waaq waxay umuuqataa in Dawlada Dhexe ay isaga wadato.

Inkastoo C/weli Ibraahim Gar yare oo isla beeshaasi kasoo jeeda reer Caabud waaqna ah uu xilka kula baratamayo hadana Carabeey ayaa ku fir fircoon.

Gudiga Doorashada Garabka Gacal ayaa warqada cadeeneysa murashaxnimadiisa waxay gudoonsiiyeen Carabeey oo mar kale Xilkaasi Madaxweyne kuxigeenka utartamaya.

Ilo wareed lagu kalsoon yahay waxay usheegeen badweyn in Xafiiska Madaxweyne Farmaajo laga taageerayo Maxamed Xaashi Carabeey.

Lama sii saadaalin karo inuu xilkaan kusoo bixi doono iyo in kale mar kale Mr Carabeey,oo Siyaasada Galmudug kusoo jiray Intii uu soo jiray Nidaamka Federaalka Galmudug lagu soo dhisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here