Villa Soomaaliya ” ma’aha in sharuud lagu xiro fulinta heshiiskii 17dii September

0
5

Villa Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay weerarka sheegay in shirka teendhada Afsiyooni qarka  u saaran yahay in uu burburo.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi  ayaa sheegay in kulamada madaxda Dowladda Federaalka iyo dowlad Gobolleedyada si wanaagsan u socdaan, isaga oo meesha ka saaray in wali leysku mari la’yahay.

Agaasimaha ayaa sheegay in ay dalbanayaan si uusan khilaaf u dhicin in shuruud lagu xirin heshiiskii 17dii September.

Shirkan  madaxda DF iyo Dowlad Gobolleedyada ayaa maanta dib u dhacay sababo lagu sheegay maqnaashaha madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug oo ku sugan magaalada Dhuusa-Mareeb.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here