Villa Somalia oo Qorsheeyneeysa in qaar ka mid XW loo Magacaabo Gud Degmoyinka Banaadir

0
10

Cumar  Maxamed Maxamuud (Cumar Finish) ayaa damacsan in uu dhawaan xilalka ka qaado dhammaan gudoomiyayaasha Degmooyinka gobolka Banaadir,kuwaasi oo la filaayayba dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay in ay xilalka ka tagi doonaan oo laga qaadaayo.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar  Maxamed Maxamuud (Cumar Finish }  ayaa horay u sheegay in uu xilalka ka qaadi doono Gudoomiyayaasha Degmooyinka gobolka Banaadir hadii ay xilalkooda gudan waayaan.

Xog-hoose oo ay heshay Muqdisho Online ayaa waxaa ay sheegayaan in Xilalkaasi loo magacaabi doono shaqsiyaad saameeyn ku leh Baraha Bulshada islamarkaana ka tirsan Xoogaga waddaniyiinta,waxaana la doonayaa in hadii la gaaro waqtiga doorashooyinka ay soo ban-bixiyaan shacabka degmoooyinka gobolka Banaadir.

Qorshaha Xilalka Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir loogu magacaabayo ayaa waxaa wadata Villa Somalia oo muhiimad gaar ah u aragto in la helo xubno u daacad ah Madaxtooyadda Islamarkaana fuliya awaamiirtooda qalafsan.

Arrintaan ayaa waxaa ay ka dhigan tahay in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar  Maxamed Maxamuud  uu maqaarsaar ka yahay howlaha Maamulka Gobolka Banaadir oo lala maamulo,waxaana shaqsiyaadka xilalka loo dhiibaayo si gaar ah usoo xulaya Maxamed Cabdullahi Tuulax.

Talaabadaani ayaa waxaa ay shaki badan geli doontaa in dalka ay ka dhacdo doorasho xalaal ah,waxaana la tuhmayaa in Nabad iyo Nabad ay wado qorshe ku shubasho iyadoo la adeegsanaayo dad si gaar ah loo soo xulay oo la oran doono waa codeeyayaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here