Video:-Maxkamadda Ciidamada oo xukuno kala duwan ku ridey 10 Askari

0
6

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 60aad ayaa Maanta waxaa ay xukuno kala duwan ku ridey Askar lagu eedeeyey dambiyo kala duwan oo ka dhacay deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed.

Askartaan oo gaaraya ilaa 10 ayaa waxaa kamid ah Askar sigaar ah loogu eedeeyey inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab,isla markaana ay fuliyeen qarax khasaaro geystay iyo kuwo la sheegay inay hubkoodii iibsadeen.

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida qaybta 60-aad Gaashaanle Abshir Maxamed Aadan oo Warbaahinta u Akhriyey Go’aanka Maxkamadda ayaa sheegay in Lix kamid ah Askarta Ciidamada oo mid kamid ah uu maqane yahay Saddex kamid ah lagu xukumey mid 15 Xabsi Ciidan ah halka Saddexda kale ay siwadajir ah u bixiyaan magta laba askari oo la diley.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here