Ugaaska Beesha Xawaadle oo ku geeriyooday Muqdisho

0
58

Allaha u naxariisto waxaa goordhow ku geeriyooday magaalada Muqdisho Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ahaa Ugaaska Beesha Xawaadle.

Ugaaska ayaa ku geeriyooday Hotel ku yaala magaalada Muqdisho, waxaana wararku sheegayaan inuu u geeriyooday xanuunka COVID-19.

Ugaaska ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa Muqdisho, tan iyo markii la guda galay dhismaha labaad ee dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Allaha u naxariistee Ugaaska ayaa lagu xusuustaa sida uu uga soo horjeeday dhismihii dowlad Goboleedka Hirshabelle, xilligii dowladdii Xasan Sheekh

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka mid ahaa Duubabka dhaqanka Soomaaliyeed, kaasoo caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ummadda Soomaaliyeed iyo qoyskiisa uga tacsiyadeeyay geeridiisa, waxaana uu Alle uga baryay inuu janatul Fardowso ka waraabiyo.

“Waxaa uga tacsiyadeynayaa qoyskii, eheladii iyo ummadda Soomaaliyeed uu ka geeriyooday Ugaas Xasan, waxaan alle uga baryayaa inuu janatul Fardowso ka waraabihi, samir iyo iimaan uu Alle naga siiyo”ayuu yiri Madaxweyne Guudlaawe.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa sheegay in Ugaas Xasan uu kaalin weyn ku lahaa nabadeynta iyo dowlad dhiska, gaar ahaan doorkii uu ku lahaa dhismaha Dowad Goboleedka Hirshabelle.

“Ugaaska waxaa uu ka mid ahaa ugaasyada faca weyn ee saldanada dhaqanka, wuxuu kaalin weyn ka qaatay dib u dhiska, nabadeynta, dib u heshiisiinta iyo dowlad dhiska ah”ayuu yiri Madaxweyne Cali Guudlaawe

dhanka kale Ra’iisal Wasaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa ka tacsiyeey geeridii ku timid alle ha u naxariistee Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ehelka iyo qaraabadiisa iyo Ummadda Soomaaliyeedba uga tacsiyeeyey geerida naxdinta leh ee Ugaaka oo ka mid ahaa duubabka dhaqanka ugu waaweyn Soomaaliya.

“Waxaan qoyskiisa,Asxaabtiisii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka mid ahaa duubabka dhaqanka Soomaaliyeed. Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo ehelka & ummaddana sabir iyo iimaan Allaha ka siiyo.”

Waxaa sidoo kale geerida Ugaaska tacsiyeeyay inta badan hoggaamiayaasha Soomaalida ku tilmaamay in uu ahaa geesi hal adag oo aan runta ka gabban, waxaana ay alle uga baryeen in uu jannadii ka waraabiyo.

Ugaaska ayaa rumeysan yahay in uu u geeriyooday Cudurka Covid 19 toddobadyadii ugu danbeeyay galaaftay nolasha dad badan oo magac iyo maamuus ku dhax lahaa bulshada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Gobolka Hiiraan ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo caawa uu ka baxay Alle ha u naxariistee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.

Madaxweynaha ayaa xusay in Ugaasku uu ahaa hurmuud dhaqan oo lagu soo hiran jiray, door muuqdana ka soo qaatay dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed, adkeynta wadajirka iyo dadaalladii dib u dhiska dowladnimada.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ka mid ahaa tiirarka dhaqanka Soomaaliyeed oo caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Ugaasku waxa uu astaan u ahaa saldanad dhaqan oo facweyn oo kaalin muhiim ah kaga jirtay wada noolaashaha bulshada Gobolka Hiiraan iyo guud ahaan dalka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here