Toogasho Qaab Cusub Loo Fuliyey Oo Ka Dhacday Maanta Muqdisho

0
30

Dableey Hubeysan ayaa waxay ku dileen Saaka abaare 8:40 Am Aroornimo Askari katirsanaa Ciidanka dawlada Soomaaliya.

Dilka ayaa ka dhacay Isgoyska Geed jaceyl iyadoo askariga la dilay Meydkiisa in cabaar ah yaallay goobta lagu khaarajiyey.

Goob joogayaal waxay Warqaad usheegeen in kooxda dilka geysatay ay wateen Bajaaj ayna Qori AK47 Jawaan kusoo qarsadeen Dilka kadibna ay ka baxsadeen Meesha.

Ciidamo katirsan Dawlada Soomaaliya ayaa goobta gaaray iyadoo Meydka Meesha ka qaaday.

Ma ahan markii ugu horeysay oo lagu dilo Askar katirsan Ciidanka Dawlada Soomaaliya gudaha Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here