Todobo sababood oo dib-u-dhigista doorashada Itoobiya kaga duwan tahay tan Soomaaliya

0
29

Sida Southern Media Xogta idinkuugu soo gudbineyso dowlada Fedaraalka Soomaaliya ayaa qorshaynaysa in ay mudo sanad ah dib u dhigto doorashada Madaxweynaha oo lagu wado in ay dalka Soomaaliya ka dhacdo bisha Febaraayo ee sanadka soo socdo. Farmaajo iyo Kheyre ayaa u arkay dantooda in ay cudurka CaronaVirus uga faa’iidsyataan in ay dib u dhigaan doorashada iyaga oo raacaya talaabada ay qaaday dowlada Itoobiya oo dhowr cesho ka hor ku dhawaaqday in ay dib u dhigtay doorshada la doonayay in la qabto mudo ka yar afar bilood.

Sida la wada ogsoon yahay xaalada Soomaaliya ay ku jirto iyo tan Itoobiya ayaa ah labo xaalad oo kala duwan, taas oo ayan marnaba suugal ahaan doonin in Farmaajo iyo Kheyre ay u suuragasho in ay marmarsiyo ka dhigtaan talaabada ay qaaday dowlada Itoobiya.

Waxaan halkaan idinkuugu soo gudbinaynaa todobo sababood oo dib u dhigista doorashada Itoobiya kaga duwan tahay tan doorashada Soomaaliya:

1) Itoobiya: Doorshada Itoobiya waxaa la qorsheeynayay mudo ka badan sadax sano, waxaa la diyaariyay dhamaan sharuucihii doorashada, diiwaan galinta codeeyayaasha, deeganada ay ka dhacayso doorasahada , lacagta ku baxayso iyo ogolaashaha saamilyada siyaasada dalka

Soomaaliya: Wali laguma heshiinin nooca doorasho oo ay Soomaaliya qaadanayso, meesha ay ka dhacayso, cida dhaqaale ku bixinayso, diiwaangalinta codeeyayaasha iyo guud ahaan diyaar-garwga doorashada

2) Itoobiya: Doorashada dalka Itoobiya waa qof iyo cod, taas oo ay ka qayb-qaadanayaan 100 Milyan oo qof , kuwaas oo ku kala nool degaanada Itoobiya ka kooban tahay iyo wadamada ay ku nool yihiin dadka u dhashay Itoobiya.

Soomaaliya: Doorashada Soomaaliya waxa ay noqonaysaa mid dadban oo ku kooban tiro ka yar 10,000 kun oo qof, kuwaas oo ku koobnaan doono deegaano cayiman ama shan magaalo.

3) Itoobiya: Doorashada Itoobiya oo ah qof iyo cod, waxaa la qorshaynayay in ay dhacdo bisha Agoost ee sanadkaan oo ay ka hartay afar bilood, taas oo aan suuragal ka dhigaynin in 100 Milyan ay doorasho u dareerto.

Soomaaliya: Doorashadeeda oo ah mid dadban oo ay dorashadu ku koobnaan doonto 327 qof, waxaa loogu taalagalay in ay dhacdo bisha Febaraayo sanadka 2021, xiligaas oo la isku raacay in cudurka CaronaVirus uu aduunka ka dhamaaanayo ama la xakamayn doono.

4) Itoobiya: Mucaaradka iyo muxaafidka ama dhamaan saamilayda siyaasada Itoobiya oo ka heshiiyay dib u dhigista doorashada, qaabka dib loogu dhigayo, awooda dowlada marka waqtigeedu dhamaado iyo xakamaynta awooda hogaanka dalka inta doorashadu ka dhacayso dalka.

Soomaaliya: Ma jirto cid la doonayo in laga talagaliyo dib u dhigista doorashada, waxaana muuqato in Farmaajo iyo Kheyre ay ayaga kaligood rabaan in ay go’aan ka gaaraan dib u dhigista doorashada. Taas oo keeni doonta in dalku galo xaalad dagaal.

5) Itoobiya: lacagaha ku baxaya doorashada Itoobiyaa ayaa kor u dhaafaya $800 Milyan waxaana intooda badan bixinaya wadamada: Canada, Denmark, Finland, Ireland, Japan, Luxembourg, the Netherlands, New Zealand, Norway, Sweden, UK/DFID, US, Sauadi Arabia, Germany, France iyo kuwo kale.

Dowlada Itoobiya ayaa dhankeeda bixinayso 3.7 billion oo lacagta birr-ta ah taas oo u dhiganta $132 oo lacagta Maraykanka ah.

Soomaliya: Ma jiro wadamo ilaa iyo hada si toos ah u sheegtay in ay lacagta doorashada ka caawianyaan Soomaaliya sababta oo ah dowlada Fedaraalka oo laga’ la’ yahay in ay heshiis siyaasadeed la gasho saamilaysa siyaasada dalka.

6) Itoobiya: Doorashada qof iyo codka ah ee Itoobiya waxa ku tartamaya in ka badan 130 xisbi kuwaas oo mudo ka badan labo sano ku soo jiray diwaan galinta xubnahooda, bixinta lacagaha diiiwaan galinta,

Soomaaliya: Ilaa iyo hada ma jirto sharuuc xisbiyo oo dalka lagu dhaqayo iyo qaabka ay doorasho xisbiyo badan ugu dhici karto dalka mudo ku siman sagaal bilood.

7) Itoobiya: Kuraasta xildihibanada oo ka koban 540 waxa loo qaybiyay deegano kala duwan sida: Tigray 38, Afar 8, Amhara 138, Oromia 178, Somali 23, Benishangul-Gumuz 9, South (15 different constituencies included) 123, Gambella 3, Harari 2, Dire Dawa 2 and Addis Ababa 23. Sidaas darteed waa ay adagtahay in mudo afar billod ah oo uu jiro cudurka CaronaVurus ay doorahooyinkaas ka dhacaan degaanadaas.

Soomaaliya: Soomaaliya kama jirto qaab doorasho oo kuraasta la geeynayo degaano goboleed ama degmooyin, sida kaliya ee loo qaban karaa doorasho dadban waxa ay tahay in lagu qabto shanta magaalo madax ee dowlad goboleedyada.

Soomaaliya waxaa doorasho lagu qabtay iyada oo dalka uu ka jirto masiibooyin kala duwan sida dagaalo iyo abaaro ay ku dhinteen kumaan kun oo Soomaali ah, waxaana tusaale nogu filan abaartii sanadkii 2011 dalka ku habsatay, iyada oo abaartaan jirto ayuu dalku aaday Doorasho. Marnaba macquul ma aha in Farmaajo iyo Kheyre ay marmarsiiyo ka dhigtaan cudurka CaronaVirus iyada oo halsano ka hartay doorashada Madaxweynaha.

Dowlada Maraykana oo doorashada madaxweyenha la filayo in ay ka dhacdo dalkaas bisha Nofeembar ee sanadkaan ayaan marnaba ku haminin in dib u dhigaan doorashadooda oo ay ka qayb qaadanayan in ka badan 300 oo milyan oo of, iska daaa doorasho dadban oo la qorshaynayo in ay ka dhado Soomaliya bisha Feberaayo ee sanadka danbe.

Waxaan shaki ku jirin in dalka Soomaliya uu ka dhaci doono dagaal sokeeyo hadii Farmaajo iyo Kheyre isku dayaan in ay baajiyaan doorashada qaranka oo ay umadda Soomaaliyeed wada sugayso iyaga oo marmarsiiyo ka dhiganayo cuduro iyo arimo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here