Guddoomiyihii hore ee Gobolkan Banaadir ahaana duqa Magaalada Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay Cabsida laga qabo fatahaad uu markale Wabiga Shabeelle ka geysto Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook Thaabit Cabdi ayaa waxaa uu ku sheegay in Wabiga qar-dhaaf bilaabay oo uu biyo badan kaanay taasina ay walwal iyo cabsi ku abuurtay Shacabka ku nool Magaalada Beledweyne.
“Xaaladda webiga Shabeelle aad ayaa looga deyrinayaa, gaar ahaan Beledweyne. Dadka deegaanka waxay sheegayaan in webiga qar-dhaaf bilaabay, iyada oo xilli roobaadkii lagu jiro, halisna ka imaan karto, Allaha ka hayee ayuu yiri”Thaabit Cabdi.
Maamulka Gobolka Hiiraan ayuu uga mahad celiyey dadaalo ay bilaabeen oo ku aadan sidii looga hortegi lahaa fatahaada Wabiga,waxaana Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Hir-Shabeelle uu ugu baaqay inay u istaagaan sidii looga hortegi lahaa fatahaada Wabiga.
“Waxaan u mahadcelinayaa maamulka G. Hiiraan oo bilaabay dadaallo ka hortag ah. Waxaan ugu baaqayaa Dowladda Federaalka iyo D. Gobolleedka Hirshabeelle in si deg-deg ah ugu istaagaan sidii looga hortagi lahaa fatahaadda webiga inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.
Shacabka magaalada Belad-weyne ee Gobolka Hiiraan ayay cabsi la soo deristay maalmihii ugu danbeeyay maadaama la guda galay xiliga guga oo roobab badan ay da’een, walalka ugu weeyn waxa uu yahay fatahaad la mid ah tii sanadkii hore in uu sameeyo webiga Shabelle ee magaaladaas dhexmara.