Taliye Odawaa & Kornel Shuute Oo Ku Wajahan Baardheere

0
91

Taliyaha Darajadda 1-aad ee Makaxmada Ciidamada qalabka sida Xasan Cali “Shuute” iyo Taliyaha Ciidamada Milateriga “Odawaa” ayaa goordhow lagu wadaa inay garaan degmada Baardheere.

Dhaq dhaqaaq Ciidan oo u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan maamulka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa laga dareemayaa degmooyin ka tirsan gobolka Gedo.

Si dhab ah looma oga ujeedka rasmiga ah ee Wafdigan u gaarayaan degmada Baardheere,balse waxaa jira qorshe dheer oo soo socday,kaas oo lagu qarameynayo ciidamada ku sugan gobolka Gedo,kuwaas oo u abaabulnaa hab beeleed.

Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq Al-Qaadi ayaa sheegay in dowladdu ay ciidamo ka dejisay Luuq, isagoo uga digay dowladda inay ka huriso gobolka geliso dagaal dhiig ku daata.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada la geynayo Gobolka Gedo ay gadaal ka riixayaan labo nin oo ka tirsan Nabadsugida Soomaaliya oo uu magacyadooda ku sheegay C/llaahi Kulane oo ah Kaaliyaha Taliyaha NISA iyo nin lagu magacaabo Zakariye.

Al-Qaadi ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Federaalka aysan jirin sharci u ogolaanaya inay soo magacawdo maamul, dalkuna uu ka jiro nidaam federaal ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here