Taliye joojiyey Banaanbax lagu taageerayay Dowladda oo Muqdisho looga yeeray

0
4

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Hiiraan Korneyl Cali Dhuux Cabdi Mahadalle iyo xubno kale ayaa Maanta kasoo duulay garoonka diyaaradaha Beledweyne, iyaga oo kusoo jeeda Muqdisho.

Taliyaha iyo xubnaha kale ee ku wehliya safarkiisa ayaa la sheegay in looga yeeray Taliska guud ee Booliska Soomaaliya,waxaana wararka soo baxaya ay sheegayaa in wax laga weeydiin doono banaanbaxii beledweyne ee uuu jojiyey,kaas oo lagu taageeri lahaa Madaxda dowladda Soomaaliya.

Banaanbaxyo lagu taageerayay dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan waxaa ay ka dhaceen muqdisho iyo degaano ka tirsan Gobolka Gedo,halka deegaano ka tirsan Puntland oo ay ka dhici lahaayeen laga joojiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here