Taliyaha Sirdoonka Nigeria oo Booqasho Qarsoodi ah Ku Yimid Muqdisho

0
21

Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa booqasho qarsoodi ah ku yimid Taliyaha Sirdoonka dalka Nigeria Axmed Rufaaci.

Taliyaha ayaa kulan la qaatay Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin,waxayna kawada hadleen iskaashiga labada hey’adood iyo sidii ay isku weydaarsan lahaayeen khibradaha la xiriira dhanka la dagaalanka Argagixisada.

Barta Twiterka Hay’adda NISA ayaa lagu daabacay kulanka dhexmaray  Taliyaha Sirdoonka dalka Nigeria Axmed Rufaaci iyo Fahad Yaasiin.

“Waxaa booqasho shaqo oo laba maalin ah ku yimid Muqdisho Agaasimaha Sirdoonka Naajeeriya(NIA) Axmed Abubakar Rufaaci, isagoo kulan laqaatay dhigiisa Soomaaliya Fahad Yasin, waxayna kala saxiixdeen isfaham iyo wada shaqayn buuxda oo dhex marta labada Hay’adood ee labada dal”ayaa lagu yiri warka NISA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here