Taliyaha CXDS Gen Odawa oo qadka Online uga qeyb galay shir looga hadlayo Amniga Dalka

0
10

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa khadka Internet-ka kaga qeybgalay Shir looga hadlayay xoojinta howlgaladda iyo wada shaqeynta Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Ururka Midowga Afrika, taliyayaasha Ciidamada Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM, Qaramada Midoobe ee Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxaa shirka ku wehlinayay, masuuliyiin iyo saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka

Ujeedka shirka ayaa waxaa kaloo loogu hadlay ka hortaga Cudurka halista ah ee COVID 19 iyo saameeynta uu ku yeeshay Caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here