Taliyaha Ciidanka xoogga oo ka hadlay Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

0
6

Taliska Ciidanka xoogga dalka  ayaa ka hadlay Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay xerada Ciidamada ee turkisom ee Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay Banaanka  hore ee xerada tababarka Turkiga ee TurkSom.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in Ciidanka Amniga ay toogteen   nin doonaye uu isku qarxiyo dhalinyaro ku biirayo ciidamada xoogga oo tababar loo furayo.

Taliyaha ayaa ku sheegay Khasaaraha ka dhashay Qaraxa Labo qof oo uu saddex ku yahay ninka la toogtay  in ay ku dhinteen,waxaana uu sheegay in ay jiraan  dhaawacyo ka dhashay Qaraxa sidoo kale.

“qof xiran walxaha qarxa ayaa isku dayay in uu soo dhexgalo dhallinyaro Jaamacaddaha kasoo baxay oo doonayay in ay ciidamada kusoo biiraan, balse ciidamada ayaa ka shakiyay iyagoo toogtay ka hor inta aanu soo dhexgalin galin ardayda ” ayuu yiri Gen. Odawaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here