Taliska Ciidanka xooga oo sheegay inay qabteen Xubno ka tirsan Al-Shabaab

0
6

Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya ayaa waxaa ay howlgallo ka sameeyeen deegaanka Shalaanbood oo kamid ah deegaannada hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha Ururka 14aad ee Guutada 14 october Dhamme Cisman Muuse Maxamed oo la hadlay Warbaahinta Dowladda yaa sheegay in intii ay howlgalka ku guda jireen ay kusoo qabteen rag lala xiriirinayo in ay ka tirsanyihiin  Al-Shabaab oo qaarkood looga shakiyay in ay ku howlanaayeen falal amniga lid ku ah.

Taliyaha waxaa hadalkiisa uu intaasi ku daray in u jeedka howlgalka uu ahaa mid Amniga lagu xaqiijinayo,isla markaana lagu baadi goobayay Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidanka Dowladda ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo ka wadeen deegaannada Xeebta ah ee hoostaga Magaalada Marka ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here