Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyey Oo ka warbixiyey Khasaaraha kadhashay Qaraxii Ka Dhacay Maqaayada Luul Yemeni

0
8

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya si hordhac uga hadlay qaraxii daqiiqado kahor ka dhacay Maqaayada Caanka ee Luul Yemani ee ku taalla meel ku dhow Xabsiga dhexe ee dalka.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Gaashaanle Saadaq Aadan oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa waxaa uu sheegay in qaraxaas uu ahaa mid Ismiidaamin ah oo uu fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa, uuna dhacay xili dad badan ay ka cunteynayeen Luul Yemani.AKHRISO

“Qof Ismiidaamiye ah ayaa isku qarxiyay Maqaayadda Luul Yamani ee ku taalla Degmada Xamar Jajab, wixii ka Soo kordhana Waan idinla socodsiindoonaa” ayuu yiri Afhayeenka ciidanka Booliiska Gaashaanle Saadaq Aadan.

Weli lama oga Khasaaraha ka dhashay qaraxaas ka dhacay Maqaayadda Luul Yamani, waxaana wararka qaarka la helayo ay sheegayaan inuu jiro Khasaaro kala duwan oo soo gaaray dadm halkaas ku sugnaa.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Booliska dowladda ayaa ku sugan goobta uu qaraxu ka dhacay, iyagoo xiray wadada, isla markaana halkaas ka wada baaritaano kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here