TAARIIKHDII CAABBONAYD MADAXWAYNIHII 2-AAD JBM JANARAAL SHAATIGUDUUDNA LAAKIIN!!

0
11

Dr Xasan Maxamed Nuur oo ay saaxibadiisa wada shaqeynta u yaqaanaan (Janaraal Shaatiguduud) waxaa uu ku rawaxay magaalada Bonn ee dalka Jarmalka maalintii Salaasada ahayd oo ay taariikhduna ku beegnayd 2-dii April sanadddii 2013.
Halyey abaal marin ka guddoomay Xarunta Dhismaha Hindisaha Nabadda Iyo Horumarinta Cilmibaarsita Shir Sanadeedlihii ka dhacay boqortooyada Ingiriiska UK 4-tii Feberaayo sanaddii 2012-kii.

Janaraal Shaatiguduud waxaa uu ahaa hoggaamiyihii Ururka Wax-Iska-Caabbinta Raxawayn (Rahawein Resistant Army) oo marka la soo gaabiyo noqoneya (RRA) isagoona sidoo kale ahaa sarkaal nabadsugid awood badan leh (NSS) xiliyadii dowlladdii kacaankii Milatariga ahayd ee uu hor kacayay Maxamed Siyaad Barre Afwayne.
Marxuumka oo ku dhashay magaalada Baydhabo gobolka Baay xarunta Labaad Lixda Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland (JBM) sanadkii 1946-kii, waxaa uu darajo sare kaga baxay kulyadda milatariga Madone ee waddanka Taliyaaniga, isagoo takhasuskiisa qaaskana uu ahaa aaladda isgaarsiinta.

Jananku waxaa uu xitaa tababaro dhanka sirdoonka ah ku soo qaatay magaalada Qaahira ee xarunta Masar, magaalada Rooma caasimadda dalka Taliyaaniga, magaalada Baarliin ee magaala-madaxda waddanka Jarmalka iyo Moosko oo ah halka looga taliyo dalwaynaha Ruushka, amaba midowgii Soofiyeeti sanadahii 1980-maadkii.

1978-kii Janaraal SHaatiguduud sidoo kale, waxaa uu darajo sare ka gaaray jaamacaddii Adeegga Qaranka Soomaaliyeed (SNU) isagoona kadib waajibkiisa qaran ku gudanayay habka nabadsugidda gobollada Jubbada-Hoose iyo Jubbada-Dhexe ee Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland (JBM) sanadihii 1972-kii illaa 1975-kii.

Waqooyi Somaliland-na, Jananku waxaa uu noqday madaxa maxkamadda amniga heerka gobol sanadihii 1980-kii illaa 1982-kii.
Sanadihii 1977-kii illaa 1980-kii Janaraal SHaatiguduud waxaa uu ahaa qaaddiga maxkamadda amniga caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, sidaa iyo si la mid ahna, janaku sanadihii 1982-kii ilaa 1984-kii, waxaa uu ahaa guddoomiyihii gobolka Gedo JBM, isagoona jagooyin kala duwan ee qaran uu soo kala qabanayay illaa iyo ay ka dhacday dowlladdii uu garwadeenku ka ahaa Maxamed Siyaad Barre Afwayne oo afka ciidda loo daray sanaddii 1991-kii xoogna looga saaray Villa Somalia.

Intii lagu guda jirayna dagaalladii sokeeye Janaraal Xasan Maxamed Nuur, waxaa uu ka shaqeynayay dadaalada dib u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed, isagoona shirkii Jabuuti dabadii bishii Juun illaa Luuliyo sanadkii 1991-kii uu noqday wasiirkii arrimaha gudaha ee dowlladdii ugu horaysay Kumeel-Gaadh Soomaaliyeed ah, waxaana masuulku sanadkii 1994-kii uu noqday xubin ka mid ah dadka tala-gooyayaasha ah ee maamulkii Digil-Mirifle (DMSGC) lagu yagleelay magaalada Baydhabo gobolka Baay Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland (JBM) kaasoo uu madaxwayne ka ahaa Dr Xasey isna Allaha u naxariistee.

Muhiimadda siyaadeed ee Janaraal Xasan Maxamed Nuur SHaatiguduud, waxaa ay si wayn ula soo ifbaxday nidaamkii ururweynihii JBM (RRA) sanadkii 1995-kii, waqtigaas ee uu ahaa dhaliyihii ururwaynihii ee aanu kor ku soo xusnay, xiligaasoo uu la kaashaday cuqaal-sharafeedka qowmiyadda ugu tirada badan Soomaaliya bulsha ahaan 65% tiradeedu tahay marka loo barbardhigo Soomaalida inteeda kala ee Maayland uu madaxda u ahaa Allaha u naxariistee isna Malaaq Mukhtaar Malaaq Xasan Malaaqii malaaqyada Qowmiyadda Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland (JBM)

13-kii Oktoobar sanadkii 1995-kii galbeedka Baydhabo JBM, JHafey goobta lagu magacaabo ee lagu aas aasay ururwaynaha RRA, ayaa Janaraal SHaatiguduud loogu doortay guddoonka ururka iyo hoggaanka dhaqdhaqaaqa kacdoonka ururkan oo ah, ururkii ugu horeeyay milatari ahaan si dhaba u falgala durba oo ay yeeshaan dadyowga Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland (JBM) taariikhda.

Xoog ku soo bambixiddii ururwaynaha RRA waxaa ka dhalatay, kadib markii duullaan-gardara-qaawan ah malleeshiyadii Maxamed Faraax Caydiid ay ku soo qaadeen magaalada Baydhabo gobolka Baay ee xarunta Labaad Lixda Gobol JBM 17-kii bishii Sebtembar 1995-kii, waqtigaasoo gabi ahaanba ay burburiyeen dowlladdii loo dhamaa ee Reer Maayland, qarankaaso ay aas-aasteen dadka inta u dhaxaysa Labada webi daga ee leh nidaam dowli ismaamul-gudahooda ku-Meel-Gaadh ah la baxay Maayland State bishii Maarso sanadkii 1995-kii, maamulkaasoo ka koobnaa 2 Aqal, Gole Wakiilo iyo mid Fulinba.

Maamulkani waxaa uu ahaa maamulkii ugu horeeyay dadka gudahooda ay ismaamulaan ee ka unkama Koonfurta Soomaaliya, kaasoo u adeegayay gobollada Baay, Jubbada Hoose, Bakool, Jubbada DHexe, Gedo, SHabeellada-Hoose iyo Banaadir ummadda ku nool, waxaana sidan qormadeena kore aynu ku soo xusnay madaxwayne ka ahaa Datoor Xasey.

Shaqadii ugu weynayd uguna cuslayd Allaha u naxariistee Janaraal Xasan Maxamed Nuur SHaatiguduud uu qabto waxaa ay ahayd, inuu xoog gelsho, ciidameeyo dhallinyarada labka iyo dhaddigga, ama ragga iyo dumarka Qowmiyadda wayn ee Maayland dulmigu dushooda ku joogtadu noqday har iyo habeenba.

Horaantii sanadkii 1996-kiina, ururka Wax-Iska-Caabbinta RRA ee uu hogaaminayay Janaraal SHaatiguudud, waxaa uu weeraro waawayn guul leh uu ku qaaday goobo muhiim ah oo uu hasytay Caydiid.
Intii lagu guda jiray shirkii dib u heshiisiinta iyo nabadda Soodare xarunta Adisababa ee dalka Itoobiya sanaddii 1997-kii, jananku waxaa uu ku adkaystay in ururka waddaniga RRA uusan marnaba miiska wada-hadalka la fariisan doonin kuwa xoogga ku haysta dhulwaynaha Maayland oo ay u nasabka sheegtaan dhamaan goboollada JBM, waxaana uu jananku waqtigaasi isagoo sii hadlayay uu hoosta ka xariiqay, in “Wixii Xoog Lagaaga Qaataa, Xoog uun Lagu Helayo.”

Si kastooy ahaataba, gumuc rasaaseed iyo beynaad wixii boocda la iska gelshaba, sanaddii 1998-kii, waxaa si awood buuxda leh shan farood iyo calaacal kooxdii maleeshiyadii Caydiid looga xoreeyay gobolladii Maayland qaar ka mid ah, sida:- Baay, Bakool, Gedo iyo qaybo ka tirsan SHabeellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland (JBM)

Bishii May illaa August sanaddii 2000 shirkii nabadda ee Carta dartii hawlglladii milatari ee ururweynaha Rahawein Resistant Army (RRA) waxaa loo hakiyay si kumeel-gaadh ah, iyado waqtigaasi laga raja qabay in dowlladdii xilligaasi ku-Meel-Gaadhka ahayd ee (TNG) bal uun keenayso nabad buuxda.

Labadaraalase, markii dowlladdii Ku-Meel-Gaadhka ahayd ee Cabduqaasim ay fashilantay, ayuunbuu ururweynaha RRA uu laba kacleeyay hawlgaladiisii, Janaraal Xasan Maxamed Nuurna uu amaamuday dhismaha dowllad cusub ay yeelanayso JBM, kaasoo jananku uu madaxwayne ka noqday sanaddii 2002-dii.

“Janaraal Xasan Maxamed Nuur runtii saaxiib qaali ah ayuu ahaa in ka badan 40 sanadood, balse sababo caafimaad dartii, ma uusan samayn karaynin ficil uu kaga soo muuqanayo shir-nabadeed oo anigu borofeysar Maxamed Xaaji Mukhtaar ah ku agasimay gudaha dalka boqortooyada Ingiriiska UK sanadkii la soo dhaafay,” sidaa waxaa yiri Proff Maxamed Xaaji Mukhtaar oo hormood ka ah jaamicadda Savannah State University ee dalka Mareykanka.

Sidoo kale, Borofeysarka isagoo sii hadlayay ee uu ka sheekeynayay taariikhda Janaraal SHaatiuduud, waxaa uu sheegay, uu yiri “Anigu shaqsiyan ka Proff Maxamed Xaaji Mukhtaar, waxaan dhowaanadan kula hadlayay gudaha isbitalka, Dr Xasan Maxamed Nuur Shaatiguduud ee kuwa innaka inaga midka ah ee Janaraal Shaatiguduud noloshiisu ay taabanayso, fadlan xusuustiisa aan qalbiyadeena ku hayno, waqtiyadayadana u hurno inaan noloshiisi ugu dabbaaldagno si wanaagsan, Janaraal Xasan Maxamed Nuur SHaatiguduud Illaahay naxariistii Jannadii Firdows haka waraabiyo, ummaddii, qoyskii iyo qaraabadii iyo waliba caruurtii uu ka tageyna samir iyo iimaan buuxa Allaha ka siiyo, anana samir iyo iimaan jamiil ah Eebbe ha inaga wada siiyo idilkeen waa uu inaga baxay”.

Innaalillaahi Wa Inaa Illeheyhi Raajicuun, Annaga llaahbaa Na Leh Xaggii Ayaynu U Laaban Doonaa.

Qoramadan taariikhda oo Af-Ingiriisi ah, waxaa diyaariyay Proff Mukhtaar, waxaana Af-Soomaali u turjumay, durbadiiba Ustad Adam Increase!!

Sidee loo tadaawuli karaa wali taws caqliga haysta amar Alle laakiin!!

By:Ustad Adam

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here