Gudoomiyaha gobolka Maroodijeex Jaamac Maxamuud Axmed, ee Somaliland ayaa uga baaqay dhalinyaradda reer Somaliland in ay ka faa’iidaystaan fursadaha kala duwan ee uu xukuumadu u samaysay dhalinyaradda, islamarkaana aysan aadin Muqdisho.
Gudoomiyaha waxaa uu uga digay dhalinyaradda reer Somaliland in ay ku lab-kacaan dacaadaha raqiiska ee cadowga Somaliland ku majaro habaabinayo dhalinyaradda, isla markaana ay qaran-nimadoodda ilaashadaan.
Waxaa uu sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay gacan-haadiska ay dhalinyaradda Somaliland ku hayso in ay ka deyso, maadaama ay jooggaan meelo ammaan ah.
“Masuuliyiinta wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha, waxay heegan ugu jiraan in ay fuliyaan siyaasadda dhalinyaradda oo ay wakiil uga yihiin madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, oo ahmiyad badan u haya dhalinyaradda” Jaamac Xaaji Axmed.
Bilihii lasoo dhaafay ayaa Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray dhalinyaro badan oo kasoo jeedda gobolada Waqooyi ee Soomaaliya.