SOCODAALKII PM KHEYRE EE “MANABADBAA” OO SHAKI DHALIYEY.

0
29

Waxaa soo baxaya shakiyo ku aadan in Raisul wasaaraha xukuumada soomaaliya uu yahay musharax madaxweyne 2020.

Xeel dheerayaal siyaasadeed ayaa aaminsan in dowlada soomaaliya uu durba bilaabey ol olaha musharaxnimadiisa.

Socodaal loogu magacdarey “MA NABADBAA” ayuu kumarayaa deegaanada galmudug.

Qaar kamid ah aqoon yahanada soomaaliyeed ayaa qaba aragtidan

“Kheyre aragti iyo istaraatiijiyad cusub ayuu wataa

Kheyre, ololihiisa doorashada waxaa uu ka bilaabey “Ma nabaddaa” waxaana qaarka mid ah dadka siyaasadda u dhuun duleela ay aaminsan yihiin inuu ku fashilmay amniga dalka,waxaana cabasho ba’an ka soo yeereysaa deegaanno u dhow Bariire oo Al-shabaab ku dhaheen dadkii “guura ama nala shaqeeya”, hade waa meel 60 km u jirta Xamar, markaas ayuu meelo 500 km u jira caasimadda uu ka leeyahay “Ma nabaddaa”!

Su’aalo badan ayaa laga iska weydiinayaa sababta Xukuumadda uu hoggaamiyo R/wasaare Kheyre ugu guuleysan nabadeynta iyo in Al-Shabaab ka saari weyso deegaan wax ka yar 40-km u jira magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo ammaankeeda si weyn loo ilaaliyo.

Inkastoo Kheyre si rasmi ah ugu dhawaaqin inuu musharax madaxweyne yahay 2020-ka ayaa hadana warar soo baxayo waxay sheegayaan in Mudane Xasan Cali Kheyre,Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ku han weyn yahay inuu isa soo sharxo maadaama kalsooni badan Shacabka Soomaaliyeed ka helay”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here