SIYAASI CC WARSAME OO SHEEGEY IN HOGAANKA DALKA IYO ALSHABAAB LABO XAGJIR AY YIHIIN HAL ARIN DARTEED.

0
39

Siyaasiga sida weyn u mucaarada madaxda dowlada soomaali war uu boggiisa facebook ku qorey ayuu kusheegey in ay isku mid yihiin fahamka siyaasadeed ee qaldama iyo fahamka diineed ee qaladama labaduba dhalaan xagjirnimo.

“Si u garato halka aad u socoto waxaa lagama maarmaan ah in aad ogtahay halka aad taagan tahay. Soomaaliya waa dal ku guda jira geedi socod dawlad dhisid, waxaase muuqata madaxda talada dalka haysa in ay u dhaqmayaan sidii in ay dawlad dhisan maamulayaan oo kale. Haddii fahamku khaldan yahay, ha sugin in ficilku hagaago, haddii aadan garanaynin halka aad taagan tahay, way adagtahay in aad halka aad u socoto haleesho.

Fahamka siyaasadeed oo khaldama, natiijadiisu waa xagjirnimo iyo jahwareer ah, sababtoo ah waxaa is herdinaya waxa uu meelmari is leeyahay ruuxa fahamka khaldan wata iyo dhabta waaqaca horyaala.

Waxba isma dooriyaan qolada doonaysa in ay faham khaldan oo diineed meelmariyaan, iyo kuwa raba in faham khaldan oo dawladeed socod siiyaan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here