Sirdoonka Turkiga oo gacan ka geystay haweenay u dhalatay Talyaaniga oo lagu qafaashay Soomaaliya

0
12

Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee Turkiga (MIT) ayaa gacan ka geysatay soo badbaadinta shaqaale samafal Talyaani ah oo la afduubay oo ku sugnaa Soomaaliya, sida laga soo xigtay ilo amni.

Silvia Constanza Romano, oo 25 jir, ayaa laga afduubay magaalada xeebta ku taal koonfur-bari ee Chakama ee Kenya bishii November 2018.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa carabka ku adkeysay in Romano lagu badbaadiyay dadaal wada jir ah oo ay sameeyeen sirdoonka Turkiga, Soomaaliya iyo Talyaani.

Romano, oo la soo badbaadiyay hawlgal la sameeyay May 8-9, ayaa ka soo degay Madaarka Ciampino ee magaalada Rome saqdii dhexe ee xalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here