SIR CUSUB: MADAXWEYNE SACIID DENI AYAA FASHLIEYEY SHIRKII GAROOWEY LABO ARIN DARTOOD.

0
32

Sida uu horey u shaaciyey warsidaha madaxa banaan ee TEBIYENEWS xog sheegeysey, in madaxweynaha puntaland Mudane  Saciid Cabdullahi Deni uu lacag ka qaatey dowlada soomaaliya kadib markii laisku mari waayey shirkii Garoowe ee udhaxeyey madaxda maamulada dalka iyo madaxda federalka.

Deni ayaa heshiis hoose lagaley dowlada federalka  isagoona balanta ugu baxaey XAAF iyo MADOOBE, kuwaas oo dawlada dagaal ba’an kala dhaxeeyey muda dheer, saciid Deni oo ladoortey horaantii sandka waxaa lagu xamanayey, in dowlada soomaaliya ay ku adkaan doonto in ay lashaqeyso maadama uu katirsanaa kooxdii damul jadiid ee Farmaajo xukunka kala wareegey.

Mowqifkii MR DENI ayaa mar qura isbedeley kadib markii sida lasheegey, u yimaadeen ergo farmaajo lacag usoo dhiibey taas oo Madaxweyne Deni kadhigtey, mid durba usoo janjeerey dowlada ferderalka isagoona dhegaha ka fureystey heshiiskii saaxiibadii ku soo wada galeen dalka Kenya, kaas oo ahaa in dowlada ama lala wada heshiiyo ama lawada diido.

Fashilkii shirkii Garoowe kadib ayaa lagu soo waramayaa in Deni sameyey isbaheysi cusub oo xulafo lah dowlada farmaajo isla markaasna uu isaga majaraha u haayo howlaha isbaheysiga dowladana kala hadli doonto dhamaan dana maamulada isagana wakiil kanqon doono Hirshabeelle iyo koonfur Galbeed.

Saciid deni ayaa lasheegey in fashilkii shirkii garoowe qeyb ka ahaa, si dowlada soomaaliya lacag iyo mansaba isugu darto, waxaana lagu qanciyey in XAAF iyo MADOOBE  musharaxiin yihiin muda xileedkoodana dhamaadey dowladana wax kasta ay ku bixindoonto sidii meesha looga saari lahaa labadan musharax waa Amed modoobe Jubaland iyo Xaaf Galmudug ah siciidna ayhaboontahay in dowlada lashaqeeyo.

Saciid Deni oo arintaa garwaaqsadey ayaa heshiis sir ah lagaarey intaanu shirka fashilmin wuxuuna durba bilaabey in ajandayaasha dowlada difaaco intuu shirka socodey taas oo shaki weyn kubeertey Axamed Madoobe iyo Xaaf oo saaxiibkooda isbedel deg deg ah ku arkey.

Jubaland iyo Galmudug ayaa shirka isaga soo baxey kadib markii ay fahmeen shirqoolka loodhigey, kaas oo ahaa in saaxiibkooda martida loo ahaa madaxooda lacag kuqaatey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here