SHIRWEYNIHII BEESHA ABSAME OO MAALITII 3AAD GALEY.

0
28

Maalintii saddexaad waxaa magaalada Kismaayo ka socda shir wadatashi ah oo ay leeyihiin Salaadiinta, Aqoonyahanada iyo Siyaasiyiinta mid ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee degta deegaanadda Jubbaland, waxaana shirka maanta iyo shalayba kusoo biiray wufuud hor leh oo ka qayb-galaya shirka.

Shirka oo galay maalintii saddexaad ayaa waxaa maanta hadallo ka jeediyey qaar ka mid ah dadkii ka soo qayb-galay shirka, waxaana ka mid ahaa dadkii maanta hadal jeedinta ku lahaa Ugaas Cumar Xiiray oo ah Afhyeenka Odayaasha dhaqanka Jubbaland.

Xassan Jeelle Nuunow waxaa uu ka mid yahay Odayaasha dhaqanka ee ka imaaday gobolka Waqooyi Bari Kenya, waxaana uu ka hadlay sidii loo ilaalin lahaa midnimadda beeshaa maal mahaan shirka uga socday magaalada Kismaayo.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Jubbaland ee dalka Norway Yuusuf Daadle Dhaqane oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in midnimdda beesha ay tahay arrin muhiim ah oo baahan in xil weyn la iska saaro.

Shirkaan watashiga ah oo lagu lafa-guraayo masiirka iyo aayaha beesha, ayaa la rajaynayaa in dhamaadkiisa laga soo saaro war-murtiyeed ay ku caddahay natiijada shirka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here