Shirweynihii beelaha Absame oo maalintii 2aad galey

0
40

KISMAAYO(TEBIYENEWS)-Shirweyne maalintii shalay magaalada Kismaayo uga furmay Waxgaradka, Salaadiinta, Aqoonyahanada iyo Siyaasiyiinta mid kamid ah beelaha Soomaaliyeed ayaa maanta galay maalintii 2-aad.

Waxaa shirka ka qayb galay Odayaal dhaqameed, Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka Soomaaliyeed iyo golaha Aqalka sare, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowlad-goboleedka Jubbaland, Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo marti sharaf kala timid, dalalka Kenya, Ethopia, Maraykanka, Yurub iyo dalalka Khaliijka.

Shirka oo wajigii labaad maanta galay ayaa waxaa ka hadlay qaar kamid ah Siyaasiyiintii iyo Waxgaradkii ka qayb galay, waxaana kamid ah dadka shirka ka hadlay Dr. Xasan Farax Xujaale oo katirsan aqalka sare Soomaaliya, Maxamuud Cabduqaadir Cumar Gudoomiyaha Jaaliyadda Jubbaland ee Ohio, Cabdikariim Aw Cali Cumar Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyi jiray Maraykanka iyo masuuliyiin kale.

Shirkaan watashiga ah waxaa lagu lafa-gurayaa masiirka iyo aayaha beesha, waxaana la rajaynayaa in dhamaadkiisa laga soo saaro war-murtiyeed ay ku caddahay natiijada shirka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here