CC warsame hogaamiyaha xisbiga wadajir ayaa bartiisa facebooga kusoo qorey sidan;
Madaxweynayaasha maamul goboleedyada puntland iyo Jubaland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Ahmed Madoobe), ayaa ka baaqsaday Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya (Somali Partnership Forum) oo lagu wadey inuu maanta ka furmo Magaalada Muqdisho, kaas oo ah Wajiga labaad ee Shirkii Belgium-ka. Shirkaan Oo la Sheegay in lagu Qabanayo Xalane, Xarunta beesha caalamka.
Madaxweynayaashan ayaa Sheegay inaysan muhiim aheyn Wakhtinna aan la,iskaga lumin karin shir wixii kasoo baxa ama lagu Heshiiyo Aanan Lafulinayn.