Shirkii beesha Murusade oo laga iclaamiyay musharaxnimada Kheyre, gudina loo magacaabay

0
14

Waxaa maalmihi la soo dhaafay ka socday magalaada Muqadisho kulamo ay isugu imaanayeen dhaqanka, ganacsatada iyo siyaasyiinta beesha Murusade kaas oo looga arinsanayay doorka siyaasada dalka ee Beessha Murusade.  Kulankii ugu danbeeyay oo shalay ka dhacay magalaada Muqadishu ayaa waxa si toos ah looga iclaamniyay in  beesha Murusade ay sanadkaan qayb ka noqonayso tartanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya, kaas oo uga qayb galayo Xasan Cali Kheyre.

Arintaan ayaa ahayd mid in mudo ah laga sugaayay in Xasan Cali Kheyre afkiisa ka soo baxado, laakiin ugu danbayntii shalay ayaa go’aankaas soo baxay, waxaana beesha horteeda laga sheegay in Xasan Kheyre u taagan yahay kurisga Farmaajo.

Beesha Murusade ayaa waxa ay magacaawday gudi ganacsato ah  oo ka shaqayn doonta doorashada Xasan Cali Kheyer iyaga oo dagaal siyaasadeed oo wayn qaadi doonta, isla markaana wixii dhaqaale ay hayaana ay ku biirin  doonaan Xasan Kheyre.

Talabaada ay beesha qaaday ayaa waxa ay albaabka ka soo xirtay Maxamed Farmaajo , beesha uu ka dhasahay ee Mariixaan, Milkiilaha Farmaajo ee Fahad Yasin oo markii la istcimalay  dhamaantood qashinka lagu tuuray. Mid ka mida odoyaasha dhaqanka Murusade ayaa yiri, “Farmaajo seedi fiican ayuu ahaa, siyaasadana waa na soo galiyay, laakiin hada waa gabal sii dhacayo, anagana, hade  ma ah in uu na  salfado”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here