Shirka Dhuusamareeb oo berri soo xirmaya & Farmajo oo cambaareeyay shirkaas

0
17

Madaxweyne Farmaajo oo cadaadis ba’an kala kulmaya wakiillada Beesha Caalamka ee kusugan Soomaaliya.  Wakiillada Beesha Caalamka ee kusugan Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho ayaa 24-ka saac ee lasoo dhaafay kumashquulsanaa xiriirro kala duwan oo ay lameynayaan Madaxda Soomaalida.

Sida aan kasoo xigannay Dad xog-ogaal ah isla markaana lagu kalsoonaan karo, Wakiilladda Beesha Caalamka ayaa xiriir lasameeyay Madaxda Dowlad-gobaleedyada ee kushirsan Caasimadda Galmudug ee Dhuusamarreeb. Wakiillada Beesha Caalamka ayaa Madaxda weydiiyay bal sida ay u arkaan haddii shirkaan ay kasoo qeyb galaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxda Dowlad-gobaleedyada ayaa kujawaabay iney diyaar u yihiin wax kasta oo xal u noqo kara Khilaafyada siyaasadeed ee iminka taagan, taasina ayba tahay sababta ay ugu shirsan yihiin Caasimadda Galmudug. Wakiillada Beesha Caalamka ayaa haddana xiriir lasameeyay Xafiiska Ra’isulwasaare Xassan Cali Kheyre, iyagoo Ra’isulwasaaraha weydiiyay sida uu u arka shirka Dhuusamarreeb iyo inuu diyaar u yahay inuu kaqeyb galo. Ra’isulwasaaraha ayaa kujawaabay waan ladhacsanahay shirka Dhuusamarreeb, diyaar baanna u ahay inaan kaqeyb galo madal kasta oo looga hadlayo xallinta khilaafaadka taagan iyo sidii looga gudbi lahaa Marxaladda kala guurka ah.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa usii gudbay xafiiska Madaxweyne Farmaajo, iyagoo weydiiyay fekerkiisa ku aaddan shirka Dhuusamarreeb. Madaxweyne Farmaajo ayaa wakiillada Beesha Caalamka u sheegay inuu shirkaas u arko Madal lagu majaxaabinayo Masiirka Ummadda Soomaaliyeed, isagoo Madaxda Dowlad-gobaleedyada ku eedeeyay iney Marooqsanayaan howl aysan iyagu lahayn. Madaxweynaha oo sii hadlayay ayaa wakiillada Beesha Caalamka u sheegay in Dalka Soomaaliya leeyahay Hay’ado kala duwan una xilsaaran arrimaha doorashooyinka, isla markaana aan Maamul-gobaleedyada boos uga bannaaneyn kahadalka arrimaha doorashooyinka. Madaxweynaha ayaa intaas raaciyay in ragga kushirsan Dhuusamarreeb ay diideen gogol uu u dhigay caasimadda Dalka, haddii ay doonayaan xalka Soomaaliyana ay gogoshaas aqbali lahaayeen. Madaxweynaha ayaa hadalkiisa kusoo gebageeyay in Soomaaliya ay kadhaceyso doorasho qof iyo cod ah sida uu qabo Dastuurka Soomaaliya uusanna aqbali karin wax intaas kaduwan.

Wakiillada Beesha Caalamka oo hadalka qaatay ayaa Madaxweynaha u sheegay in iyaga laftirkoodu jecel yihiin in Soomaaliya ay kadhacdo doorasho qof iyo cod ah, balse taasi ay kuxirantahay arragti mideeysan iyo is-qancin kadhexeysa Madaxda Soomaalida. Wakiillada Beesha Caalamka ayaa Madaxweynaha u sheegay in Beesha Caalamka ay ka-go’antahay taageeridda Soomaaliya, lkn taasi kuxirantahay midnimo.

Wakiillada ayaa Madaxweynaha u sheegay ineysan diyaar u ahayn caawinta Soomaaliya kala qeybsan,:isla markaana Madaxweynaha looga baahanyahay tanaasul farabadan iyo inuu kasbado Madaxda Dowlad-gobaleedyada oo Beesha Caalamku u aragto xubno muhiim ah oo la’aantood aan waxba laqaban karin.

Ugu dambeyn Wakiillada Beesha Caalamka ayaa Madaxweynaha kuboorriyay inuu kaqeyb galo shirka Dhuusamarreeb, si Madaxda halkaas kushirsan uu uga dhaadhicyo fekerkiisa ku aaddan doorashooyinka Soomaaliya. haddii uu taas kuguul darreysto oo uu kuqancin waayana uu iyaga dhegeysto fekerkooda si ay halkaas uga soo baxaan wax la isku raacsanyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here