Shiikh Shariif: “Waa in sharciga la horkeenaa askartii ka dambeysay dilka shacabka”

0
7

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ahna Guddoomiyaha madasha xisbiyada Qaran ayaa cambaareeyay falkii askar ka tirsan ciidamada dowladda xalay ku dileen dad shacab ah.

Dilkan ayaa dhaliyay bannaanbaxyo rabshado watay oo ka dhacay magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah ka dib markii dad careysan ay isku soo baxeen.

Sheekh Shariif ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelada dadkii sida sharci darrada ahaa loo dilay, wuxuuna u rajeeyay inuu samir iyo iimaan Alle ka siiyo.

“Ugu horeyn waxaan cambaareynaynaa falkii sharci darrada ahaa ee Dad shacab ah booliska ugu dileen Magaalada Muqdisho, waxaana ku baaqaynaa in askartii ka dambeysey falkaas, iyo cidii amartayba sharciga la horkeeno oo cadaaladda la marsiiyo.” ayuu yiri Sheekh Shariif oo sheegay inuu hore uga digay waqtiga bandowga oo culeys ku ah dadka.

Shiikh Shariif ayaa sheegay iney horey uga digeen xiliga dowlada sheegtay inuu bilaabanayo bandowga, ayna soo jeediyeen talooyin arrintaas la xiriira balse la iska dhega tiray.

“Waxaan horey uga dignay in waqtiga bandowga uu culeys ku yahay dadka Muqdisho oo horey ugu dhibanaa wadooyinka laga xirey, innaga oo ku talinay in ilaa 9:00 PM ilaa 10:00 PM habeennino dib loo dhigo bandowga, waxaana markale ku baaqaynaa in xilligaas laga dhigo maadaama aan aragno dhibaatada ka dhalatay waqtigii hore” ayuu baqiisa ku yiri Sheekh Shariif.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here