Sheekh Shariif;”Waan sii wadi doonaa Mudaaharaadyada Nabadeed”

0
7

Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa shir jaraa’id oo maanta ay ku qabteen Midowga Musharaxiinta waxa uu ku sheegay inay sii wadi doonaan banaanbaxyada isagoo ku tilmaamay banaanbaxyada inay yihiin kuwo caafimaad u ah bulshada Soomaaliyed.

Shariif Sheekh oo markii ugu horeysay meel fagaare ah lagu arko tan iyo gelinkii dambe ee khamiistii aya sheegay inay ka xun yihiin tallaabooyinkii dowladda Federaalka ku weerartay Xubnaha Midowga, kuna joojisay banaanbax nabadeed oo ka dhici lahaa Caasimadda.
Sheekh Shariif ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay in ciidamadii qaranka loo adeegsado dano gaar ah.

“Ciidanka shalay markaan dhiseenay waan u hagar baxnay, waxaana aad uga xunahay in lasoo adeegsado ciidamadii aan dhisnay, waa muhiim ah in la ilaaliyo xorriyada hadalka iyo dowladnimada” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Waxaa uu sheekh Shariif tacsi u diray dadkii waxyeelada kasoo gaartay weerarkii dhacay oo uu tilmaamay in lagu qaaday Musharaxiin iyo dad shacab ah oo doonayay inay soo bandhigaan aragitooda ku aadan in dalka laga qabto doorasho heshiis lagu yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here