Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa wadahadal dhinaca telfoonka ah la yeeshay Danjiraha Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Amb Ben Fender, waxa ayna kawada hadleen arimo kala duwan oo quseeya Soomaaliya .
Sheekh Shariif ayaa sheegay in Ben Fender kawada hadleen doorashada qaranka, la tacaalista Covid-19, xiriirka dowladda dhexe iyo maamulada xubnaha ka ah, iyo dib u heshiisiinta ay hirgaliyeen maamulada Galmudug iyo Jubaland.
Waxa ay sidoo kale kawada hadleen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo Safiirka Ingiriiska wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo soo biloowday xilligii uu Madaxweyne dalka ka ahaa Sheekh Shariif balse hada joogsaday.
Sheekh Shariif ayaa sheegay in Danjire Ben Fender isla garteen abuurista jawi degan iyo siyaasad loo dhan yahay inay tahay xalka kaliya ee lagu gaari karo hanaan doorasho oo xor ah oo ka dhacda Soomaaliya.