SHEEKH SHARIIF IYO FARMAAJO OO WADAHADAL HOOSE UFURMEY

0
23

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in xalay wada hadalo qadka taleefanka uu xalay dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Sheekh Shariif.

Ilo wareed muhiim ah oo ku dhow dhow xubnaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa xaqiijinaya in Madaxweyne Farmaajo la soo xiriiray Sheekh Shariif, kana dalbaday in si gaar ah u kulmaan, hase ahaatee Shariifka ayaa u sheegay in shalay wixii ka dambeeyay uu ahaa shaqsi, balse haatan uu hoggaamiyo Madasha Xisbiyada, isla markaana haddii ay kulmayaan ay tahay in Madasha Hoggaankeeda inay qeyb ka ahaadaan kulanka, waxaana la sheegay in Madaxweynuhu ku yiri inuu ka soo fiirsanayo.

Todobaad ka hor ayay aheyd markii kulan qarsoodi ah uu Muqdisho ku dhex maray Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin iyo Xubno ka tirsan Xisbiga UPD, waxaana xubin ka mid ah Xisbiga UPD uu sheegay in Fahad Yaasiin u soo jeediyay xubnaha Xisbiga in Xukuumadda la wadaagaan oo ay kala shaqeeyaan muddo kororsi loo sameeyo Madaxweyne Farmaako

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here