Shaqaaqo u dhaxeysa NISA iyo Hey’adda Socdaalka ku dhexmartay Gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde

0
5

Hanti dadweyne ayaa ku burburtay isku dhac dhex maray ciidamo ka tirsan hey’adda sirdoonka qaranka ee NISA iyo hey’adda socdaal iyo jinsiyadaha.

Wararka ayaa sheegaya in NISA ay gudaha usoo gashay garoonka kadibna ay isku dhaceen hey’adda socdaalka halkaasina uu ka dhashay burbur hanti qaran oo ay ku jiraan qalabkii lagu shaqeynayey.

Mid ka mid ah shaqaalaha garoonka oo la hadlay warbaahinta, isla markaana codsaday in aan magaciisa la xusin ayaa sheegay in muranka uu socday ilaa shalay, kadib markii ay la isugu dhacay baarista gabar blogger ah iyo rag ajaanib ah oo la socday.

Dhacdadan oo saameyn ku yeelatay shaqada garoonka diyaaradaha ee ugu weyn dalka ayaa la sheegayaa iney jiraan sidoo kale dhaawacyo arrinkan ka dhashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here