SHAN XISBI SIYAASADEED OO MAANTA MOGADISHO KU SHIREY OO CADEEYEY NOOCA DOORASHO EE DALKA LARABAAN

0
22

War-murtiyeed ay maanta soo wada saareen Xisbiyada kala ah UPD, Ilays, NPP, Wadajir iyo NDP, kuwaas hal beel kasoo wada jeeda ayaa lagu faah faahiyey nooca doorasho ee xisbiyadan rabaa in la qabto 2020.

Xisbiyadan oo ubadanaa madaxdii horey dalka usoo maamushey ayaa cadeeyey in baarlamaanka federalka soomaaliya muda xileedkiisa uu ku egyahay bisha December 2020 aysan ogolan doonin hal maalin oo dheeraad ah.

Kulanka Axsaabta Siyaasadeed oo kasoo wada jeeda caasimada mogdisho ayaa waxaa ay ku soo beegmeysaa xilli lahadal haayey maalmahan denbi in xukuumada farmaajo ay dooneyso mudo kordhin 2 sano ah.

Arintaan ayaa waxaa siweyn gaashaanka ugu daruurey dhammaan madaxda maamulgoboleyd yada dalka waxaana hada kusoo biiraya qaar kamid ah xisbayada siyaasadeed ee hada diiwaan gashan.

 Hasoo ka akhriso war murtiyeedka oo dhameystiran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here