Sawirro:-Diyaarad Shil Ku Gashay Garoon Ku Yaalla Gobolka Gedo

0
8

Garoonka diyaaradaha Magaalada Baardheere ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa waxaa barqanimadii Maanta halkaas shil ku gashay diyaarad ay leedahay leedahay shirikada Buff Air oo ka ambabaxday Garoonka Aadan Cadde.

Dad ku sugan Baardheere ayaa soo sheegaya in diyaaradaan ay aheyd nooca 5Y-WFC ee oo ka duushay Muqdisho, isla markaana ay siday shixnado kala duwan, taasi oo dhabaha Garoonka ku dhacday.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Baardheere ayaa tilmaamay in wax Khasaaro ah uusan ka dhalan shilka ay gashay diyaarada, balse ay dhibaato soo gaartay oo kaliya diyaarada dhacday.

Sawirro laga soo qaaday Diyaaradaas laguna faafiyay baraha Bulshada ayaa muujinayay in diyaarada ay ku dhacday dhabaha ay Cagaha dhigtaan diyaaradaha, waxaana wararaka qaarkood la helayo ay sheegayaan in diyaaradaas ay lugaha u bixi waayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here