SAWIRO:-Wasiirka Gaashaandhigga oo hortegay Golaha Shacabka & Su’aalo la weeydiinayo

0
31

Waxaa goordhaw furmay kulanka Guud ee Golaha Shacabka oo Maanta su,aalo lagu weeydiinayo Wasiirka Wasaaradda Difaaca Soomaaliya Xildhibaan Xasan Cali Maxamed (Aamar-dambe).

Kulanka waxaa shir guddoominaayo guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka mudane Abdiweli Sheikh Ibraahim Muudeey iyo guddoomiye kuxigeen 2aad Mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Kulanka ayaa waxaa Goobjoog ka ah Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyah Ciidamada Millateriga iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdullaahi Colaad Rooble.

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa waxaa ay ku bilaabeen wasiirka iyo Taliyashaasha ciidanka su,aalo la xarriiro waxqabadka Wasaaraadda Difaaca  iyo howlgallada ka socda Gobolada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here