SAWIRO: Wabiga Shabeelle oo ku fatahay tuulooyin hoos yimaada degmada Balcad

0
9

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Webiga Shabeelle uu  fatahaad ka sameyay tuulooyin hoos yimaada degmada Balcad.

Fatahaada wabiga  ayaa sababtay barakac iyo bur-bur hantiyadeed.

Tuulooyinka uu ku fatahay waxaa ka mid  ah Jameeco,Farbarako,Faydhuxul,Damaley,Zeydir,Bulo Faysharif iyo Bulo xaji

Dalagyadi u beernaa ayaa biyuhu qaadeen,guryihi iyo agabki kale qaar kamid ah dadkan oo kasoo barakacay tuulooyinkaas ayaa soo gaaray degmada Balcad.

Mas’uuliyiinta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ay ku howlan yihiin sidii dadkaasi loo caawin lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here