Magaalada Muqdisho waxaa Maanta kulan ku yeeshay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan & Wakiilka QM ee Somalia Amb, James Swan iyo Midowga Afrika ee francisco Madeira.
Kulanka ayaa waxaa ay labada dhinac uga wada hadleen Arrimaha doorashada Soomaaliya iyoSharciga doorashooyinka Qaranka oo xildhibaannada Golaha Shacabka maalmahaan ka doodayeen.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Xunaha uu la kulmay waxaa uu u gudbiyey Horumarka Baarlamaanku ka sameeyey sharciga doorashada iyo sida ay Soomaaliya uga go’antahay doorasho qof iyo cod ah.
Kulan maanta dhex-maray Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, iyo Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, waxaa qeyb ka ahaa wakiillo ka socday dalalka Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Ingiriiska, Mareykanka, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo IGAD.
Kulankan Maanta dhex-marey Wakiilada Beesha Caalamka iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli kulankaan oo kale uu dhex-maray Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi,kaas oo looga hadlay arrimaha doorashada Soomaaliya.


