Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in diyaarad nooca Xamuulka qaada ah in ay ku burburtay Garoonka Magaalada Beledweyne ee Ugaas Khaliif.
Goobjoogayaal ayaa Tebiyenews u xaqiijiyay in diyaaradda ay kasoo duushay Magaalada Muqdisho.
Diyaaraddaan ayaa raashin gargaar ah oo loogu tala galay dadkii ka barakacay Fatahaadda Webiga ee magaaladda Baladweyne.
Goobjoogayaal ayaa Tebiyenews u xaqiijiyay in diyaaraddan ay leeyihiin Ciidanka AMISOM.
Duuliyihii diyaaradda iyo caawiyaashiisa oo laba ahaa ayaa ka badbaaday shilkaas.