SAWIRO:-Ciidanka Dowladda & kuwa Itoobiya oo gaarey deegaano lagu dagaalamey

0
21

Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayaa waxaa ay Maanta kormeer xaqiijin ah ku tageen deegaanada xadka dhinaca Gobolka Galgaduud oo la wadaago Itoobiyo oo ay ka dhaceen dagaal  beeleed.

Deegaanada ay Ciidamada gaareen ayaa waxaa ay kala yihiin deegaannada, Balicade, Furinta-Foore, Qowaa, Dacdheer, Qorof, miiro-cowleed iyo Bacda,waxaana u jeedkoodu ay tahay xaqiijinta nabadii la dhex-dhigay labadii maleeshiyo beeleed ee dagaalamey.

Maamulka Galmudug ayaa horey deegaanadaas ugu direy Ciidamo iskugu jira Booliis, Milatari iyo Nabad Sugid,Ciidankaas oo uu hugaaminayey taliyaha Ciidanka Nabad Sugida Qaranka Qeybta Galmudug Mahdi Cumar Muumin,iyaga  oo ku guulaystey in lajoojiyo dagaalka labada beelood.

Kormeerkaan ay Ciidamada ku tageen deegaannada lagu dagaalamey ayaa waxaa uu daba socdey fulinta heshiis ay horey u gaareen labada Beelood,waxaana deegaanada la kormeerey  ay ahaayeen deegaanadii inta badan ay ka sooduulayeen maleeyshiyada labada beelood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here