SAWIRO:-Ciidanka DANAB oo howlgal deegaano kula wareegay

0
117

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB oo ay wehlinayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Taliyaha Ururka 5aad ee kumaandoosta DANAB Gaashaanle Xasan Ciraaqi ayaa sheegay in howlgalka ay kula wareegeen deegaannada Koban,Araare iyo Bangeeni oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in howlgallada ay barbar socdeen duqeymo dhinaca cirka ah oo ay siwadajir ah u fulinayeen Ciidamada Mareykanka ee AFRICM iyo kuwa xoogga dalka,taa soo uu sheegay in lagu diley 12 xubnood sida uu hadalka u dhigey.

Ugu dambeyn Taliyaha Ururka 5aad ee kumaandoosta DANAB Gaashaanle Xasan Ciraaqi waxaa uu hadalkiisa intaasi ku darey in howlgallada ay sii soocn doonaan ilaa iyo inta ay Ciidanka dowladda kula wareegayaan degmada Jamaame oo ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab.

Howlgalkan Ciidanka dowladda iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay kusoo aadeeysaa xilli saacadihii la soo dhaafay ay dagaalo ka dhaceen deegaanka Baar Sanguuni ee Gbolkaasi Jubbada Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here